Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa shaqadii ka joojisay agaasimihii maamulka…

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa shaqadii ka joojisay agaasimihii maamulka iyo Maaliyadda wasaaraddaasi Cabdicasiis Cali Axmed.
“Ka dib markaan arkay inuusan soo xaadirin shaqada si joogto ah uusana fasax ku maqnayn, shaqadiina dayac ka yimid.Waxaan go’aamiyay maanta oo taariikhdu tahay 18/May/2025 inaan mudo kooban shaqada ka joojiyay Cabdicasiis Cali Axmed agaasimihii Maamulka iyo maaliyada ee Wasaarada Gargaarka” ayay Wasiir Ubax ku qortay warqadda shaqa-joojinta.
“Si, wasaaraddu u dardar geliso waajibaadkeeda shaqo ay u hayso bulshada, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 18/May/2025, waxaan si ku meelgaar ah ugu igmaday (magacaabay) shaqada agaasimaha maamulka iyo maaliyada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka uu sii ahaado Abdimalik Mohamed Abdullahi” Ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka.




