Mas’uuliyiin katirsan dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo gaarey furimaha dagaalka gobolada maamulka Hirshabeelle ayaa balan…

Mas’uuliyiin katirsan dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo gaarey furimaha dagaalka gobolada maamulka Hirshabeelle ayaa balan qaaday inaysan ka tegi doonin deegaamadaasi inta laga xoraynayo Alshabaab.
“furinta waxaa u joognaa in aan idinkula cibaadeysano dagaalka Khawarijta, Nabad majiro inta ay Khawarijta Dalkeenna joogaan”, Sidaasi waxaa yiri afhayeenka wasaaradda gaashaan dhigga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya.
Dhanka kalena, Gudoomiyaha degmada Raage Ceelle Iidow Cali Maxamed ayaa balana qaaday inaysan bannayn doonin furimaha dagaalka inta ay ka soo afmeerayaan kooxda Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay.
“Dagaalka sifeynta Khawaarijta waa cibaado aan alle ugu dhawaanayno, deegaankeenana aan nabad kaga dhiganayno”, Ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Raage Ceelle Iidow Cali Maxamed oo warbaahinta la hadlay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan safar ku tegey deegaamo katirsan maamulka Hirshabeelle si uu u dhiirigeliyo ciidamada dagaalka kula jira kooxda Alshabaab.



