Mas’uuliyiin hore oo soo dhaweeyey dhismaha maamulka Waqooyi-Bari.

31 July, 2025

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyey dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyey dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee xalay lagaga dhawaaqay Magaalada Laascaanood.

“Dowladda Puntland waxaan ka rajaynayaa in aysan sharaysan maamulka cusub ee ay soo dhawayso; waxa idinka dhexeeya baa ka wayn waxa yar ee aad isku haysaan”, Ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhankiisa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hambalyeeyey Maamulkaan cusub, isagoo ugu baaqay nabad iyo horumar.

Musharax Madaxweyne Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa dhankiisa u hambalyeeyey maamulka cusub ee Waqooyi Bari, isagoo xusay inuu waafaqsan yahay dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

“Anigoo ka duulaya muhiimadda qaranimo, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo dardargelinta dowlad-dhis qoto dheer, waxaan si kal iyo laab ah u soo dhoweynayaa dhamaystirka maamulka cusub ee Waqooyi Bari State, oo si buuxda u waafaqaya shuruudaha dhismaha maamul-goboleed rasmi ah oo ku saleysan dastuurka kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”, Ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif.