Mas’uuliyiin ka hadlay oday iyo qoysas lagu gubey Shabeellaha Hoose.

10 November, 2025

Inta la xaqiijiyey shan ruux ayaa siyaabo kala duwan ugu geeriyootey dhacdooyin aano qabaa’il la xiriira…

Inta la xaqiijiyey shan ruux ayaa siyaabo kala duwan ugu geeriyootey dhacdooyin aano qabaa’il la xiriira oo ka dhacay deegaamo katirsan gobolka Sahbeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Rag hubaysan ayaa maalinimadii shalay dab qabadsiiyey tuulada Gareeri oo hoos timaada degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose, waxaana goobta ku geeriyoodey hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay.

Dhacdadaan argagaxa leh ayaa laamaha ammaanku xaqiijiyeen inay daba socotey fal shalay ka dhacay deegaanka Dudumay ee duleedka degmada Wanlaweyn, kaddib markii nolosha lagu hubay nin dhimirka ka xanuunsan.

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale ayaa sheegay in falalkaani yihiin Masiibo ku habsatay dalka ayna qayb ka tahay dowlad xumada iyo coladaaha bulshada ku dhex faafay.