Mas’uuliyiin ka horyimid Lafta-gareen & DFS oo xilka qaadis ka samaysay KGS.

21 March, 2026

Maamulka gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Somalia iyo kan degmada Degmada Xuddur ayaa siweyn uga horyimid…

Maamulka gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Somalia iyo kan degmada Degmada Xuddur ayaa siweyn uga horyimid madaxweynaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xuddur ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo cadeeyey in si toos ah ay ula shaqeyn doonaan dowladda ilaa laga helo maamul sharci ah.

Dhanka kalena dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday taliyihii qaybta booliska gobalka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed, Gaashaanle Dhexe Aamiin Maxamed Cismaan (Madaruur) oo muddo xilkaas hayay.

Taliska Booliska Somalia ayaa waxa uu Taliyaha qaybta booliska ee gobalka Baay u magacaabay Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Saqiiq Duudishe) oo hore u soo noqday afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.