Mas’uuliyiin ka socda golayaasha kala duwan ee Puntland ayaa Magaalada Galkacyo kulan kula qaatay maamulka gobolka…

Mas’uuliyiin ka socda golayaasha kala duwan ee Puntland ayaa Magaalada Galkacyo kulan kula qaatay maamulka gobolka Mudug, laamaha ammaanka iyo maamulada degmooyinka gobolkaasi ee Puntland.
Wefdigaan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayna ku jiraan xubno katirsan xukuumadda iyo barlamaanka ayaa u kuurgelayey xaaladda deegaanka iyagoo warbixino ka dhegaystey maamulka gobolka iyo qaar kamid ah shacabka.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Puntland, Cabdirisaaq Cali Maxamuud, oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa shacabka ugu yeeray inay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda meelna uga soo wada jeensadaan ciddii carqaladaynaysa ammaankooda.



