Mas’uuliyiin ka kooban golayaasha dowladda Puntland oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa socdaal…

Mas’uuliyiin ka kooban golayaasha dowladda Puntland oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa socdaal ballaaran ku maraya degmooyin iyo deegaamo katirsan gobolka Gobolka Mudug.
Weftigaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayna welehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cali Maxamuud, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-TA Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Dujaana, Xildhibaan Muno iyo xubno kale ayaa lagu soo dhaweeyey Burtinle, Xarfo, Cagaaran iyo Magaalada Galkacyo.
Socdaalkaan ayaa la sheegay inuu la xiriiro wacyigelinta bulshada, u kuurgelidda baahiyaha deegaanka, xoojinta midnimada, wadashaqaynta bulshada iyo Dawladda, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo sidoo kale xoojinta amniga.




