Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal, Isimo, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland…

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal, Isimo, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Taliyihii Guuta 2aad ee hawlgalka Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
HOOS KA AKHRISO TACSIDA Lugatoor.
Gen. Ahmad Abdi Cali (Qalyare) oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland , ahaana Taliyihii Guutada 2-aad ee Ciidanka ku jiray Hawlgalka Calmiskaad, oo maanta ku shahiiday qarax ay aaseen firxadka Argagixisada Daacish.
Gen. Qalyare, wuxuu ahaa sarkaal marxalad kasta ugusoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, geesi aan gaban oo door muhim ah ka qaatay Difaaca dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed oo dhan. Hadana wuxuu ahaa saraakiisha guulo badan ku hoggaamiyey hawlgalka ka socda Calmiskaad.
Alle waxaan uga baryayaa Gen. Qalyare iyo Askariga la shahiiday in uu danbigooda dhaafo, dhammaanteenna samir iyo iimaan inaga siiyo, si gaar ah waxaan Tacsida la wadaagaya Ciidamada Difaaca Puntland, Qoyskii, eheladii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Ganaraalku, Hawlgalka lagu sifeynayo Argagixisada Ciidankeenna geesiyaasha ah waa ku shahiideen, waa ku dhaawacmeen, waana la dhameystiraya soo afjarida Argagixisada.



