Mas’uuliyiin katirsan Puntland iyo odayaasha Dhahar oo kulan yeeshay.

16 July, 2025

Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Axmed Maxamuud Axmed iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Puntland Taliye ku-xigeenka 1aad…

Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Axmed Maxamuud Axmed iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Puntland Taliye ku-xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Caydiid Axmed Nuur oo gaarey Magaalada Dhahar ayaa kulamo la yeeshay qaar kamid ah oday dhaqameedka gobolka Haylaan.

Mas’uuliyiintaan ka socda dowladda Puntland iyo oday dhaqameedka ayaa ka wada hadlay sidii loo joojin lahaa colaadda ka soo cusboonaatay Magaalada Dhahar, loona kala qaadi lahaa ciidamadii shalay dagaalamay.

Dhanka kalena Isimada dhaqanka gobolada Sanaag iyo Haylaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalad Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa dalbaday in magaalada xasilooni lagu soo celiyo miiska wadahadalkana lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah.