Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullaahi Bile Nuur ayaa safar shaqo ku…

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullaahi Bile Nuur ayaa safar shaqo ku tegey degaanka Bacaad oo ka tirsan degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Xubnahaan ka socda dowladda ayaa la kulmay warbixinana ka dhegaystay bulshada kala duwan ee Bacaad iyo cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hawlgala degaankaasi.
“Maanta aniga iyo Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Puntland waxaannu safar shaqo ku tagnay deegaanka Bacaad ee hoos yimaada degmada Boosaaso.Waxaannu halkaas kula kulannay bulshada deegaanka oo si diirran oo sharaf leh noo soo dhaweeyay, waxaana ka wada hadalnay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskad.”
“Sidoo kale, waxaan dhiirrigelin iyo bogaadin u gudbinay cutubyada geesiyaasha ah ee Ciidanka Puntland ee howlaha joogtada ah ka wada deegaanka, anagoo ku adkeynay muhiimadda ay leedahay in la labanlaabo dadaallada socda si loo sugo nabadda iyo horumarka shacabka” sidaasi waxa qoray Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullaahi Bile Nuur oo ka warbixinayay safarkaasi



