Mas’uuliyiin katirsan Puntland oo booqday furimaha dagaalka Cal-miskaad.

11 June, 2025

Masuuliyiin ka tirsan Golleyaasha Dowladda Puntland oo Dhiiri-gelin iyo kormeer ugu Tagay Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland…

Masuuliyiin ka tirsan Golleyaasha Dowladda Puntland oo Dhiiri-gelin iyo kormeer ugu Tagay Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo Ceelbiyoodka Dowladda ka Hirgelinayso Deegaanka Dhaadaar.

Masuuliyiinta malmahan kormeer iyo ogaanshaha baahiyaha ka jira Deegaanada laga sifeeyay Argagixisada Daacish ayaa maanta Kulan la qaatay Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa ugu Hambalyeeyy Ciidamada guulaha is dabajooga ah ay ka gaareen Cadowga argagixisada iyagoona ku dhiiri-geliyay shaqada wanaagsan ee Naf hurnimada ah ay u hayaan Dalkooda iyo dadkooda kuna Bogaadiyay sida ay ula dirireen Argagixisada habowga ee ku dhuumalaysanaysay Buuraha Calmiskaat ayna ka sifeeyeen inta badan hadana ay daba joogaan Firxadkooda.

Sidoo kale masuuliyiintan ayaa Booqday Ceelbiyoodka Ay Dowladda Puntland ka hirgelinayso deegaanka Dhaadaar ee degmada Qandala oo maraaya meel Gabo gabo ah.

Wafdigan oo ka Kooban Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Ibraahiim Ismaciil Cartan (Xaaji Bakiin) Xildhibaan Faarax Jamac oo ka tirsan GWDPL iyo Gudoomiyaha Degmada Qandala Axmed Khuurshe.