Mas’uuliyiin katirsan Puntland oo daahfuray kal-fadhiga golaha deegaanka Waaciye.

26 June, 2025

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E C/raxmaan Khallif Faarax…

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane H.E C/raxmaan Khallif Faarax iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, oo weheliyaan Gudomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Dawladda Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Waaciye ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qayb galay, Maamulka Gobolka Karkaar, Ururka Haweenka, Dhalinyarada, iyo marti sharaf kale oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane C/raxmaan Khallif Faarax ayaa furitaanka kalfadhiga ka jeediyay khudbad uu ku iftiimiyay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo horumarinta adeegyada deegaanka.

Sidoo kale, Wasiiru Dawlaha Wasardda Arimaha gudaha Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa ka hadlay kaalinta Wasaradda Arimaha Gudaha Iyo dimuqradiyada Dawladda Puntland ay ka qaadanayso dhismaha golayaasha deegaanka iyo dhiirrigelinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Waaciye Mudane Axmed Xassan Bare ayaa khudbadiisa ku sheegay agenjadaha shirka iyo Waxqabadkii Golaha intii labadaba kalfadhiga u dhaxaysay.

1:Maamul Wanaagga

2: Hirgelinta Cashuuraha

3: Horumarinta biyaha

4:Horumarinta wadooyinka iyo qurxinta magaalooyinka

Waxa aan samaynay townplanka magaalada waaciye wejigiisa koowaad, waxa aanu furray 28 waddo oo ah waddooyin waaweyn qaarkood dherekoodu gaarayo 3km. ballarkooduna 20m dhanyahay

5:Horumarinta Waxbarashada Waxaa dhammaday dhismaha mac’hadka barashada farsamada gacanta waxan loo dhamaystiray agabkii wax lagu baranayey waxana diyaaarsan hoygii ardayda iyo

Macallimiintaba

6:Hawlgillinta Xarunta xannaanada xoolaha

Waxa la hawigeliyey lana qalabeeye/ tirinta xannaanada xoolaha.

7: Arrimaha deegaanka

8: Amniga

9: Taakulaynta ciidamada hawlgalka hillac ee cal miskaad.