Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta…

Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta Wasaaradda Maaliyadda Degmada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag.
Xisaabiyaha waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolada Sanaag iyo Haylaan, ku xigeenka Xisaabiyaha Gobolka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tiraan Wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa looga wada hadlay Casriyaynta nidaamyada Xisaabaadka ee 2026 iyo Dardar gelinta dakhliga.
Dhinaca kale Cali Jaamac Gaashaan Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa bogaadiyey habsami usocodka dhismaha mashruuca Wadada Ceel-Daahir Ceeraabo oo ay fulineyso Dowladda Puntland laguna dhisaayo hab isku tashi ah iyo Cashuurtii laga qaaday shacabka Puntland






