Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland iyo saraakiil ciidan ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyey Magaalada…

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland iyo saraakiil ciidan ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyey Magaalada Boosaaso oo uu dhawaan ka furmi doono tartanka caasimadaha Puntland.
Wasiirka cusub ee dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayey bahda ciyaaruhu soo dhaweyn ugu sameeyeen duleedka Boosaaso iyagoo ku ammaanay doorkiisa horumarinta dhalinyarada iyo abaabulka tartanka ciyaaraha Puntland ee dhawaan furmi doona.
Dhanka kalena, Taliyaha cusub ee qaybta booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare Siciid Aadan Siciid oo ka soo kicitimay Magaalada Galkacyo ayaa lagu soo dhaweeyey Boosaaso, kahor inta uusan xilka kala wareegin taliyihii hore ee qaybta gobolka Bari.
Gaashaanle Sare Siciid Aadan Siciid oo ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey ayaa balanqaaday inuu waxbadan ka qaban doono horumarinta amniga Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari, wuxuuna shacabka ka codsaday inay garab u noqdaan.




