Mas’uuliyiin kormeeray dhismayaasha casriga ah ee booliska Puntland.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawlada Puntland Axmed Maxamud Axmed (Axmed-Qaxiye), iyo Taliye xigeenka 1aad…

2 October, 2025

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawlada Puntland Axmed Maxamud Axmed (Axmed-Qaxiye), iyo Taliye xigeenka 1aad ee Ciidanka Boliiska Dawladda Puntland S/guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa Kormeer ku tagay Xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Boliiska Dawladda Puntland ee Garowe iyo saldhigga dhexe ee degmada Garoowe.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa booqday dhammaan qaybaha ay ka kooban yihiin dhismayaashaan oo ay si casri ah u dhistay dowladda Imaaraadka Carabta, oo sanadkaan hirgelisey in ka badan 7 dhisme oo ay lee yihiin ciidanka Booliska dowladda Puntland.

Dhismayaasha Taliska guud, Talisyada qaybaha iyo saldhigyada ayaa qayb ka ah qorshaha xukuumadda Puntland ee horumarinta ciidanka booliska, si kor loogu qaado ammaanka muwaadiniinta iyo guud ahaan dhulka Puntland.