Mas’uuliyiin kormeeray hawlaha shaqo ee dekedda Boosaaso.

12 December, 2025

ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan oo hawlo shaqo u joogaa…

ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan oo hawlo shaqo u joogaa Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tegey qaybaha Xisaabaadka Kasmtamka Wasaaradda Maaliyadda ee Dekeda Boosaso.

Xisaabiyaha waxaa dekedda ku soo dhoweeyey Maamulaha Furdooyinka Gobalka Bari Maxamed Yuusuf iyo Taliyaha Dekedda Cornell Warsame Axmed Shirwac waxaana uu booqday xafiisyada qaybta Xisaabaadka iyo shaqooyinka cashuurista beedeecadaha sida ay uwadaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Maamulaha Furdooyinka Gobalka Bari ayaa Xisaabiyaha Lawadaagay shaqooyinka socda ee Wasaaradda Maaliyadda gaar ah dhanka Xisaabaadka iyo Dakhli xeraynta.

Xisaabiyaha oo booqaday goobaha ay ka socoto shaqooyinka cashuurista beedeecadaha ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibta xili dekeddu ah

mid mashuul ah.

Dhanka amniga dekedda ayaa ah mid aad usareeya ayna isha ku hayaa Ciidamada Boliiska ee ka hawl gala uuna hogaaminaayo Taliyaha Dekedda Boosaaso Cornell Warsame Axmed Shirwac.

Cali Jaamac Gaashaan Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda waxaana uu mas’uuliyiinta Wasaaradda kula dardaarmay hufnaan iyo dadaal shaqo.