Mas’uuliyiin ku baxay shaqaaqo ka dhacday deegaamo katirsan gobolka Karkaar.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa gaarey degmada Dhudhub iyo deegaanka Dhuudo ee gobolka Karkaar, oo ay…

10 August, 2025

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa gaarey degmada Dhudhub iyo deegaanka Dhuudo ee gobolka Karkaar, oo ay dhawaan ka dhacday shaqaaqo deegaan la xiriirta.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar, taliyaha qaybta gobolka Karkaar, guddoomiye ku-xigeenka bangiga dhexe iyo xubno kale oo dowladda katirsan ayaa kulamo la qaatay maamulka deegaanka iyo odayaasha dhaqanka aaggaasi.

Dhinacyada ayaa ka wada hadlay sidii looga shaqayn lahaa nabadda isla markaana xal kama dambays ah looga gaari lahaa shaqaaqadii dhawaan ka dhacday aaggaasi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka gobolka Karkaar.