Mas’uuliyiin ku guulaystay qaadista ciidamo qabsaday kastamka degmada Xarfo ee Puntland.

Xubno katirsan dowladda Puntland ayaa ku guulaystay in ay sii daayaan boqollaal gaadiid xamuul ah oo…

23 August, 2025

Xubno katirsan dowladda Puntland ayaa ku guulaystay in ay sii daayaan boqollaal gaadiid xamuul ah oo muddo 11 maalmood ah ku xayirnaa kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta ayaa saraakiisha ciidankaii gadoodsanaa in ay heli doonaan xuquuqdooda mushaar islamarkaana loo sheegay in ay banneeyaan wadada, si xayiraadda looga qaado gaadiidankan xamuulka ah ee rarka culus ka soo qaaday dekedda Boosaaso oo ku wajahnaa gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad degaanka DDS.

Ciidamadaan oo ka cabanayey xuquuq mushahar oo kaga maqan xukuumadda Puntland ayaa guud ahaanba hakad geliyey gaadiidka xamuulka ah ee ka soo ruuqaansaday dekedda Magaalada Boosaaso.

Inkastoo xukuumaddu marar badan ku faantay bixinta xuquuqda ciidamada haddana waxaa muddooyinkii dambe deegaamada Puntland ku soo batay ciidamada ka cabanaya maqnaanshaha xuquuqdooda mushahar.