Mas’uuliyiin ku guulaystey xakamaynta xiisad ka taagnayd duleedka Boosaaso.

14 March, 2026

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland oo subaxniamdii hore ee saaka gaarey Ex kaantaroolka Magaaladda Bosaaso ayaa…

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland oo subaxniamdii hore ee saaka gaarey Ex kaantaroolka Magaaladda Bosaaso ayaa ku guulaystey xallinta khilaaf ciidan oo ka taagnaa Ex-Kantaroolka Magaalada Bosaso.

Xaaladdan ayaa timid kadib markii ciidamo hubeysan ay xirteen halkaas, islamarkaana ay Gaadiidka shacabka u diideen inay maraan waddada laamiga ah ee isku xirta guud ahaan gobollada Puntland, ayna halkaasi saaka gaareen ciidamo kale oo katirsan kuwa dowladda.

Mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Puntland Jamaal Carab Yusuf ayaa saraakiisha u sheegay inay xaalka dejiyaan isla markaana xal u raadiyaan, si dib loogu furo isku socodka gaadiidka iyo shacabka ee waddada muhiimka ah.

Xaaladda Ex Kantarool Boosaaso ayaa timid kadib markii ciidamo mushahar la’aan ka gedoodsan goosteen goobtaasi ayna joojiyeen dhammaan gaadiidkii u kala gooshayey gobolada kale ee dalka, waxaana aroornimadii saaka soo duldegey ciidamo kale oo israsaasayn dhexmartay.