Mas’uuliyiin ku hawllan xallinta xiisad ka taagan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

11 May, 2025

Degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo ay dhowaan ka dhacday shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay ayaa…

Degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo ay dhowaan ka dhacday shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay ayaa waxaa maalintii 2aad ku sugan Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Puntland.

Mas’uuliyiintaan oo ka kooban maamulka heer gobol iyo saraakiil ciidan ayaa ujeedkoodu yahay sidii ay u xallin lahaayeen khilaaf ka dhashay khasaare nafeed oo ka dhashay dagaal degmada Eyl ku dhexmaray ciidanka ammaanka Puntland iyo koox hubaysan.

Taliyaha Qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Cali Marduuf, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Nugaal, Taliyaha guutada Duufaan Gen. Qalyare, lataliyaha la dagaalanka argagixisada Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa warbixin ka dhegeystey maamulka iyo saraakiisha ammaanka degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta HM ayaa sheegaya in malayshiyaad la hayb ah ninka lagu diley hawlgalkii Jumcadii ay isku urursadeen degmada Eyl, iyagoo ku hanjabey inay saldhigyada ciidanka weerari doonaan haddii aan la keenin askartii dowladda ee hawlgalka fulisey.