Dadaalka dhexdhexaadinta ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan walaacyo laga qabo in mar kale uu qarxo dagaal u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

Dhexdhexaadiyeyaal ka socda Qatar ayaa gaaray Tehran, iyagoo u muuqda inay doonayaan inay gacan ka geystaan dib u soo celinta heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.
Wafdi Qatar ah oo xiriir la sameynaya mas’uuliyiinta Mareykanka, isla markaana uu hoggaaminayo la-taliyaha sare ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayaa Jimcihii subaxdii gaaray caasimadda Iran si ay wadahadallo iyo la-tashiyo u yeeshaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, IRNA.
Dadaalkan cusub ee diblomaasiyadeed ayaa ku soo beegmaya xilli ay Washington ka soo baxayaan farriimo is-khilaafsan.
Warqad uu Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka JD Vance u diray madaxa amniga Iran, Mohsen Rezaei, ayaa la sheegay in si wanaagsan looga soo dhaweeyay Tehran. Warqadda ayaa Qatar lagu soo marsiiyay, iyadoo la sheegay inay soo jeedisay in la bilaabo hannaan cusub oo diblomaasiyadeed, si looga hortago duqeymo cusub oo Mareykanku ka fuliyo Iran.
Hase yeeshee, sida uu qoray wargeyska The Wall Street Journal, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay xulafada Mareykanka ee Khaliijka inay isu diyaariyaan olole militari oo muddo gaaban soconaya balse xooggan, kaas oo dhici kara doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka kadib toddobaadka soo socda.
Wargeysku wuxuu soo xigtay ilo xog-ogaal ah oo sheegay in warqadda Vance iyo wadahadalladii xigay aysan si gaar ah uga hadlin shuruudo nabadeed, balse ay ku saabsanaayeen waxa lagu tilmaamay “qaab-dhismeed wadahadallo” oo mustaqbalka la yeelan karo.
Weli ma jirto jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Iran. Hase yeeshee, ilo saxaafadda soo xigatay ayaa sheegay in nuxurka warqadda uu ahaa mid aad uga ixtiraam badan waraaqihii hore ee ka soo baxay maamulka Mareykanka, arrintaas oo ay mas’uuliyiinta Iran soo dhaweeyeen.
Wafdiga Qatar ayaa loo maleenayaa inay Tehran u tageen sidii uu uga heli lahaa jawaabta Iran, isla markaana faahfaahin dheeraad ah looga bixin lahaa waddo cusub oo diblomaasiyadeed oo lagu xallin karo khilaafka.
Dadaalka Qatar ayaa sidaas ku soo beegmaya iyadoo weli aan la hubin in labada dhinac ay dib ugu laaban doonaan miiska wadahadallada ama in xiisadda militari ay mar kale sii xoogeysan doonto.




