Mas’uuliyiin u kuurgalay xaaladda Xabsiga Weyn ee Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta ee Dowladda Puntland Cabdirashiid Barkhadle Warsame oo ay…

12 April, 2026

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta ee Dowladda Puntland Cabdirashiid Barkhadle Warsame oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin katirsan wasaaradda ayaa booqday Taliska Ciidanka Asluubta, Kulliyadda Gen. Cali Nuur & Xabsiga Dhexe ee gobolka Nugaal.

Mas’uuliyiinta waxaa goobta ku soo dhaweeyey taliska guud ee ciidanka Asluubta Puntland oo uga warbixiyey shaqooyinka ay hayaan, baahiyaha kajira xabsiyada Puntland iyo qaabka ay u shaqeeyaan ciidanka gacanta ku haya maxaabiista ku xiran jeelasha Puntland.

Wasiirka caddaaladda Puntland ayaa balanqaaday inuu ka shaqayn doono helitaanka xuquuqda ciidamada iyo tayeynta adeegyada kala duwan ee ay helaan maxaabiista ay ciidanku gacanta ku hayaan si loogu sameeyo dhaqancelin rasmi ah.

Taliska ciidanka Asluubta Puntland ayaa kal-fadhigii ugu dambeeyey ee barlamaanka ka sheegay in quudinta maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland aysan ku filnayn loona baahan yahay meelmarinta qoondo u gaar ah oo loogu daro miisaaniyadda dowladda.