Mas’uuliyiinta bulshada rayidka ah ee Puntland oo doorasho loogu yeeray.

17 April, 2026

Wakiilada ururada ku midoobey dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA, ku matalada gobolka Karkaar ayaa ku…

Wakiilada ururada ku midoobey dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA, ku matalada gobolka Karkaar ayaa ku dhawaaqay inuu dhammaaday muddo xileedkii mas’uuliyiinta dalladda loona baahan yahay in doorasho la qabto.

Qoraal ka soo baxay xubnaha dalladda PUNSAA ee gobolka Karkaar ayaa lagu yiri,”Annaga oo ah xubnaha Daladda Ururrada Bulshada Rayidka ee Gobolka Karkaar, kuna mideysan dalladda PUNSA, waxaan caawa shir aan yeelanay ka soo saarnay qodobadan soo socda:

1: In dalladda PUNSA ay si degdeg ah u qabato doorashada Daladda Ururrada Bulshada Rayidka, maadaama ay muddo dheer dib u dhacday doorashadii, isla markaana ay hadda noqotay muddo dhaaf, taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in la qabto doorasho hufan oo daahfuran.

2: Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan xubnaha iyo daneeyayaasha in ay ka qeyb qaataan dardargelinta iyo hirgelinta doorasho cadaalad ah oo lagu soo xulo hoggaan cusub oo sharciyad leh.

3: Gudoomiyaha waaxaan usoo jeedinaynaa maadama waqtigii xil-haybta 3 sano ahaa uu dhamaday, 5 biloodna dhaaftay in uu doorashada qabto, una xil-saaro gudoomiye ku xigeenka si loo dardargeliyo looguna qabto mudo kooban.”