Wasiirka maaliyadda xukuumadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug, laamaha ammaanka…

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug, laamaha ammaanka iyo hay’adaha garsoorka Puntland, si loo xoojiyo wadashaqayntooda iyo dedaalada nabadgelyada gobolkaasi.
Maxamed Faarax Maxamuud, oo la hadlayey Mas’uuliyiinta heer gobol iyo shacabka ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee gobolku tahay aanooyinka qabaa’ilka, garabsiinta kuwa fidnada abuura iyo cadaadiska hay’adaha kaga imaanaysa Mas’uuliyiin dowladdeed iyo kuwa dhaqan.
“Nin baa isagoo qori sita intuu daroogo ka dhergo ayuu qof dilayaa markuu dilana waxaa la lee yahay reer hebel buu ahaa waana la fakinayaa, qofkaasi nolosheenii oo dhan ayuu inaga qasayaa kaasi qabiil maleh waa inaan wadajir umadda uga dhex qabanaa”, Ayuu yiri Wasiirka maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud.
Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud ayaa intaasi ku daray, “Walaalkaa hadduu yahay ha u doodin xitaa ilmahaaga hadduu yahay ha u doodin qofka nolosheena dhibaataynaya, habacsanaanta iyo baqdintu yeysan dhaqan inoo noqon, ciidanka booliska waxaa laga rabaa haybad ciidan dadweynuhuna waa inay ku caawiyaan.”
Ugu dambayntiina wasiirka ayaa sheegay in hayadaha ammaanka iyo kuwa garsoorku ay caqabad kala kulmaan Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa dhaqanka oo doonaya inay kiisaska awood kula wareegaan kana weeciyaan xukunka iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.
“Markii qof la maxkamadaynayo ama boolisku gacanta ku hayaan xildhibaan, wasiir, ilaa nabadoon ayaa soo wacaya oo yiraahda ninkaan waa fiicnaa masaajid ayuu ka adimaa, waxaan lee yahay qofka dambiilaha ah inala tol ma ahan waa inaan gacan isaga qabanaa, hay’adaha garsoorka laftigooda calaamad ayaa saaran oo qofkii la qabtay ayaa berri dariiqa taagan dambiilaha waa inaan bulshada lagu soo deyn”, Ayuu yiri Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud.



