Taliyihii hore ee xabsiga gobolka Mudug Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa shaaciyey in dowladda federalka…

Taliyihii hore ee xabsiga gobolka Mudug Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa shaaciyey in dowladda federalka ah ee Somalia ciidamo ka qoranayso gobolka Mudug ayna arrintaasi kala shaqaynayaa mas’uuliyiin katirsan Puntland iyo saraakiil ciidan, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa jirta in Xasan dhalinyaro ku soo safay Galkacyo oo ciidamo ka qoranayo aysan jirin cid ka warqabta, cid ka celinaysa iyo cid ka dhiidhiyeysa dhibaatada Galkacyo ku soo foolle, haddii aan hadda laga hawlgelinna waxaa laga dooni doonaa meel fog”, Ayuu yiri Taliye Aadan Nuur Qaal.
Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarraysa Puntland ee gobolka Mudug inay wadashaqayn la lee yihiin madaxda dowladda federalka ah ee Somalia ayna ka shaqaynayaan sidii gobolku uga bixi lahaa gacanta Puntland.
“Dadka Galkacyo Mas’uuliyiinta ka ah intooda badan DFS ayey la shaqaynayaan hal qof oo Galkacyo ka naxayana kuma jiraan, waxyaabaha ay samaynayaan warbaahin lagama sheegi karee waa in wax laga qabtaa waxay taagan tahay in Galkacyo gacanta Puntland ka baxdo, waxaan codsanayaa saraakiisha dowladda iyo wasiiradu inay yimaadaan oo arrintaan wax ka qabtaan”, Ayuu yiri markale Aadan Nuur Qaal.
Warkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia uu shaaciyey inay jiraan ciidamo ka amar qaata dowladda Somalia oo ku sugan deegaamo katirsan Puntland.



