Xukuumadda Puntland ayaa si deg deg ah ugu yeertay inay Garoowe ee caasimadda Puntland ku yimaadaan…

Xukuumadda Puntland ayaa si deg deg ah ugu yeertay inay Garoowe ee caasimadda Puntland ku yimaadaan Mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo heer degmo ee guud ahaan gobolka Raas-casayr.
Qoraal ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), ayaa lagu wargeliyey Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmooyinka Raas-casayr ay 22 December 2025 yimaadaan Magaalada Garoowe.
U yeeridda Mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee Raas-casayr ayaa loo sababeeyey in wax laga waydiin doono shaqooyinka ka socda gobolka iyo waajibaadka loo igmada.

Gobolka Raas-casayr ayaa dhawaan dhac loogu geystey hubkii horay loogala degey markaba Sea World oo ay maamulka gobolku ku guulaysteen inay soo ururiyaan kahor inta uusan markale gacanta u gelin dad shacab ah.
Shalay ayey ahayd markii xafiiska xeer ilaalinta guud ee Puntland oo tix-raacaya amar ka soo baxay maamulka gobolka Raas-casayr ee Puntland ayaa amar soo qabasho ah u jaray Axmed Maxamed Jaamac (Jidgooye).
Xeer ilaalinta oo warqad soo qabasho ah u jartay Jidgooye ayaa ku eedaysay inuu ku kacay falal isugu jira dhac, hubayn bulsho iyo khalkhal gelin amni iyo caadooyin dhibaato ku ah bulshada deegaanka.



