Mas’uuliyiinta Wasaaradda caddaaladda Puntland oo barlamaanku su’aalo waydiiyeen.

23 June, 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 56-aad…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, waxaana Golaha hortagay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Wasiirka wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada iyo masuuliyiin la socday ayaa Golaha horgeeyey warbixin ku saabsan shaqada wasaaradda, guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey shaqooyinka guud ee wasaaradda ka socda iyo arrimo quseeya caddaaladda Puntland.