Maxaa ka socda xarumaha dakhliga Puntland ee gobolka Mudug.

11 February, 2026

Ku-simaha xisaabiyaha guud ahna ku-xigeenka Xisaabiyaha guud ee dowladda Puntland Cali Jaamac Gaashaan ayaa kormeer shaqo…

Ku-simaha xisaabiyaha guud ahna ku-xigeenka Xisaabiyaha guud ee dowladda Puntland Cali Jaamac Gaashaan ayaa kormeer shaqo ku tegey Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug Mudane Ismaaciil Cabdinuur Geesay iyo mas’uuliyiin kale ayaa Xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.

Ujeeddada kormeerka ayaa qayb ka ahaa dabagal dhanka shaqada Xisaabaadka ah oo sanad walaba ay Sameeyaan Xafiiska Xisaabaadka Guud laguna tago Gobolada dalka.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ayaa Cali Jaamac Gaashaan Xisaabiyaha Guud la wadaagay shaqooyinka socda ee heerka dakhliga Gobolka iyo dhaq dhaqaaqyada Xisaabaadka.

Xisaabiyaha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda iyo qaybaha Xisaabaadka Guud waxana uu kulan la qaatay Madxda iyo shaqaalaha Wasaaradda loogana wada hadlay Habsami u socodka shaqada Wasaaradda, heerka dakhli xeraynta iyo caqabadaha jira ee u baahan in la xaliyo.

Xisaabiyaha ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda ee Horumarka laga gaaray waxana uu talooyin wax ku ool ah siiyey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda kuna aadan guda shada shaqooyinkooda.