Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweyne Deni & bulshada gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada Garoowe kulan muhiim ah kula yeeshay isimada,…

28 June, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada Garoowe kulan muhiim ah kula yeeshay isimada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka soo jeedda gobolka Nugaal, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo arrimaha taagan ee Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe.

Shirka oo qaatay saacado badan ayaa la isku dhaafsaday dood iyo falanqayn ku saabsan xaaladda guud ee Puntland, xiisadda ka dhalatay ciidamada ku biiray DFS, magacaabistii Gen. Jimcaale iyo qodobo kale.

Intii uu socday kulanka, Reer Nugaaleedka ayaa go’aan ku gaaray inay magacaabaan guddi gaar ah oo ka kooban odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo haldoor kale oo bulshada dhexdeeda magac ku leh.

Dowladda ayaa dhawaan mamnoocday inay deegaamada ka soo degaan ama u kala gooshaan siyaasiyiinta, saraakiisha iyo ciidamada taabacsan DFS, waxaana tallaabadaasi saamaysay Gen. Jimcaale oo hoggaamiya ciidanka Danab ee ku sugan duleedka Garoowe.