Maxaa ka soo baxay kulankii Puntland iyo beesha caalamka ee Nairobi.

23 January, 2026

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay wakiillada Beesha Caalamka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, UK, Denmark, Norway, Canada, Germany, Sweden iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha USA, Switzerland, Finland, France, Netherlands iyo World Bank.

Shirkaan ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, xilli ay Soomaaliya gelayso marxlad kala guur ah iyo doorashooyin aan weli hanaankooda heshiis laga gaarin.

Wakiilada caalamka ayaa dowladda Puntland ku boggaadiyey howlgalka ay argagixisada kaga ciribtireyso deegannadeeda iyo hirgelinta dimuqraadiyadda, sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay arrimaha bani’aadanimo iyo iskaashiga horumarineed.