Xayndaabka Xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka qabsoomay kulan u dhexeeyey Madaxweynaha dowladda Federalka ah…

Xayndaabka Xalane ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka qabsoomay kulan u dhexeeyey Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh , Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Salaax Jaamac oo dhinac ah, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni , iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed oo dhinac ah ayna goobjoog ka ahaayeen safiirrada dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo door dhexdhexaadin ah ka qaatay wadahadallada.
Muddadii saacadaha ahayd ee uu socdey kulanka ayaa diiradda lagu saarayey khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo cabashooyinka la xiriira xorriyadda hadalka.
Dhinaca Mucaaradaka ayaa soo bandhigay walaac xooggan oo ay ka qabaan dadka loo xirayo aragtidooda siyaasadeed iyo dhallinyarada dowladda dhaliisha, iyagoo ku tilmaamay arrintaasi mid ka hor imaanaysa xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta.
Wakiilada reer Galbeedka ayaa muujiyey taageeradooda ku aaddan in la ilaaliyo xorriyadaha siyaasadeed iyo tan hadalka, inkastoo dhinacyadu isku mari-waayeen nooca doorasho ee dalka lagu geli doono.
Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay ku doodeen in loo baahan yahay hannaan doorasho oo lagu heshiiyo si looga fogaado khilaaf siyaasadeed iyo xasillooni darro.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh dalbaday magacaabidda guddiyo sii ambaqaada shaqada inkastoo mucaaradku diideen sheegeenna in waqtigu dhammaad yahay iyadoo loo ballamay wadahadalo kale.




