Xukuumadda Puntland ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabtu ay magaalada Boosaaso ku rakibtay raadaaro…

Xukuumadda Puntland ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabtu ay magaalada Boosaaso ku rakibtay raadaaro iyo gantaalo lagu duqaynayo Xuutiyiinta Yemen iyo wadanka Suudaan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa waraysi uu bixiyey ku beeniyey xaqiiq ahaanshaha wararkaasi, wuxuuna sheegay inay dabada ka riixayaan Madaxtooyada Soomaaliya, Qadar iyo dowladda Turkiga.
“Villa Somalia, Wadamada Turkiga, Qadar iyo qolyo iska dhigaya warbaahin caalami ah ayaa ka dambeeya wararka been abuurka ah ee sheegaya in Raadaaro lagu rakibay oo laga tuuray magaalada xeebta ah ee Boosaaso, Puntland waxaa loo quuri la’yahay inay ka adkaatay argagixisadii uu Turkigu sanadaha badan la dagaamalayey”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid.
Qaar kamid ah warbaahinta Turkiga ayaa baahiyey in dowladda UAE ay Boosaaso ka samaysatay saldhigyo ciidan, goobo lagu rakibay gantaalada ridada dheer ayna ku soo daad guraysay ciidamo ajaaniib ah.