Warbaahinta baraha bulshada waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si aad ah loogu baahiyey in…

Warbaahinta baraha bulshada waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si aad ah loogu baahiyey in la leexsaday qayb kamid ah qalabkii Sollar-ka cadceedda ee dowladdu Imaaraadku ugu deeqday Magaalada Boosaaso.
Qalabkaan oo horay loogu rakibay duleedka Boosaaso ayaa shaqsiyaad soo xiganaya guddiyo aan la carrabaabin sheegeen in qaar kamid ah qalabka loo wareejiyey beer ay duleedka Qardho ku lee yihiin qaar kamid ah qoyska Madaxweyne Deni.
Xiriir ay warbaahinta HM la samaysay xubno katirsan Mas’uuliyiinta gacanta ku haya Sollar-ka, waxgarad booqday goobta iyo saraakiil dowladeed ayey ku xaqiijiyeen inaysan waxba kajirin arrintaasi dhammaanna sollarkii ay dowladda Imaaraadku bixisay uu halkiisii yaallo.
“Waa been abuur mana jiro sollar laga qaaday goobta, mana jiro agab ay qoyska Madaxweynuhu si gaar ah u qaateen, sollarkiina dhammaan halkiisii ayuu yaallaa”, Ayuu yiri Mas’uul tegey goobta.




