Maxaa looga hadlay kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh & Guudlaawe.

Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenimadii xalay kulan la qaatay Madaxweynaha…

20 September, 2026

Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenimadii xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Mahad Xasan Cismaan.

Ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in kulanka diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Hirshabeelle, muhiimadda xasilloonida iyo wada-tashiga siyaasadeed, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Hirshabeelle.

Deegaamada Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagnaa khilaaf la xiriira hannaanka siyaasadeed ee Hirshabeelle iyo arrimaha doorashada, iyadoo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi, Ugaaska guud iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ay ka horyimaadeen musharaxnimada JSP ee Hirshabeelle.

Siyaasiyiinta, maamulka gobolka, isimada dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay inaysan helin miisaankoodii siyaasadeed ee Hirshabeelle, waxayna ku dhawaaqeen go’aamo ka dhan ah doorashooyinka qof iyo cod ee ay waddo dowladda Somalia.