Maxaa looga hadlay kulankii Axmed Madoobe iyo wakiilada beesha caalamka.

15 June, 2025

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa wada-hadallo khadka telefoonka ah la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka…

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa wada-hadallo khadka telefoonka ah la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Intii lagu jiray wada-hadalladaasi, Madaxweynaha iyo Wakiillada Beesha Caalamka waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah la iskugu yimaado madal loo dhan yahay, si go’aan looga gaaro arrimaha hortabinta leh ee ay ka mid yihiin Dastuurka, Doorashooyinka, iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Ummada Soomaaliyeed.