Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa shir guddoomiyey kulankii Khamiislaha…

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa shir guddoomiyey kulankii Khamiislaha ahaa ee golaha xukuumadda Puntland.
Shirka ayaa muddadii uu socdey looga arrinsaday qodobo ay kamid yihiin, horumarinta iyo dhiirgelinta maalgashiga guud ahaan deegamada Puntland.
Dardargelinta gurmadka abaaraha kajira guud ahaan gobolada Puntland si gargaar loo gaarsiiyo dadka iyo duunyada ay saamaynta ku yeelatay abaartu.
Dhanka kalena, kulanka ayaa wabrixino looga dhegaystay wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda Puntland.





