Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee golaha wakiilada Puntland.

20 June, 2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa shir-guddoomiyay fadhigii 4-aad ee kal-fadhiga 58-aad ee…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa shir-guddoomiyay fadhigii 4-aad ee kal-fadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo diiradda lagu saaray sii wadista dhageysiga warbixinnada guddiyada joogtada ah ee golaha.

Kulanka maanta ayaa daarranaa dhegaysiga warbixinnada ay soo diyaariyeen guddiyada Golaha Wakiillada, iyadoo xubnaha Golaha loo soo bandhigay warbixinnada Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah, iyo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka.

Xildhibaannada Golaha ayaa guddiyada ka weydiiyay su’aalo la xiriira warbixinnada iyo kormeeradii ay sameeyeen muddadii u dambeysay, iyagoo codsaday faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlaha ay qabteen, caqabadaha jira iyo talooyinka ay soo jeediyeen.

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda sii wado dhageysiga warbixinnada guddiyada joogtada ah, kuwaas oo qeyb ka ah waajibaadka la-xisaabtanka iyo korjoogteynta howlaha dowladda.