Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Deni iyo bulshada Iskushuban.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa habeenimadii xalay kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee…

6 September, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa habeenimadii xalay kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Iskushuban ee gobolka Bari,oo gelinkii dambe ee shalay soodhaweyn ballaaran loogu sameeyey.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee degmada, gaar ahaan nabadgelyada, la-dagaallanka argagixisada, abaarta, ka-hortagga xaalufka, wax-soo-saarka beeraha, xabagta iyo faleenka. Bulshada ayaa sidoo kale Madaxweynaha la wadaagtay baahiyaha adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa faray Hay’adaha ay khuseyso in beri la billaabo dhismaha Isbitaalka degmada oo si dhakhso ah loo dhiso, isagoo sidoo kale booriyay horumarinta jidadka iyo hirgelinta mashaariic dhinaca beeraha ah. Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda Isku’shuban u leedahay Puntland dhinacyada khayraadka dabiiciga ah, wax-soo-saarka iyo dalxiiska, isagoo ku dhawaaqay in Sanadka todobaadka Dalxiiska Puntland lagu qaban doono degmada degmada Iskushuban.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.