Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Deni iyo ganacsatada Boosaaso.

14 May, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa maanta Kullan la qaatay Ganacsatada Puntland.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saarayey wadashaqaynta dowladda iyo ganacsatada, la dagaalanka kooxaha nabaddiidka ah, maalgashiga iyo sidii lagu xoojin lahaa kaalinta ganacsatada ee dagaalka Cal-miskaad.

Mid kamid ah ka qaybgalayaasha kulanka ayaa HM u xaqiijiyey in Madaxweynuhu ka codsaday inay looga baahan yahay inay dhaqaalohooda ku taageeraan ciidanka dowladda oo meesha ka saaray kooxda Daaacish oo horay ganacsatada uga qaadijirtey boqolaal kun oo lacago baad ah.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in albaabkiisu u furan yahay ganacsatada reer Puntland,“Ganacsatada marna Albaabkayga kama xirmin, mashruuc ay la yimaadeena lagama hor istaagin in wax loogu daro mahane, anaga waa wax naga go’an in aan dhiirigelino marwalba Ganacsiga iyo maalgashiga” Madaxweyne Deni“.