15 January, 2026
Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa shir guddoomiyey kulankii khamiis…

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa shir guddoomiyey kulankii khamiis laha ahaa ee golaha xukuumadda Puntland.
Kulan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaamada Puntland, dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabaddiidka ah iyo guud ahaan midnimada deegaamada Puntland.
Dhanka kalena, golahaa wasiirada Puntland ayaa gorfeeyey xaaladda Soomaaliya, isbedellada diblumaasiyadeed ee gobolka iyo qodobo kale sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.




