Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirada Puntland.

12 March, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo toddobaadkan looga hadlay:

  • Amniga guud ee Puntland iyo dhammaystirka howlgalka Calmiskaad, iyadoo Wasiirka Amniga Mudane Ibraahim Cartan Xaaji-Bakiin oo kasoo laabtay Calmiskaad uu warbixin faahfaahsan la wadaagay Golaha.
  • Golaha ayaa ka hadlay sidii loo maareyn lahaa saameynta dagaalka Bariga Dhexe ku yeelan karo maciishada Puntland.
  • Golaha ayaa ka dhegaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha warbixin ku saabsan xal-u-helidda khilaafaadka qabaa’ilka ee soo noqnoqda iyo shaqooyinka ay dowladdu ka qabatay.
  • Ugu dambayn Wasaaradda Deegaanka ayaa Golaha la wadaagtay baahinta sharciga ilaalinta deegaanka ee Puntland, oo qayb weyn ka qaadanaya yareynta isku dhacyada ka dhasha isku qabqabsiga deegaanka.