Maxaa looga hadlayaa kal-fadhiga 56aad ee barlamaanka Puntland oo ah mid xasaasi ah.

14 June, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo ku dhaw 8 bilood kadib dib ugu soo…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo ku dhaw 8 bilood kadib dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ayaa maalinimada berri ah daahfuraya kal-fadhiga 56aad ee barlamaanka Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbaddiisa dastuuriga ah ee barlamaanka kaga hadli doona waxqabadka xukuumadda, dagaalka dabar goynta argagixisada iyo arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Barlamaanka waxaa kal-fadhigaan mudada uu socdo lafilayaa inay ajandayaashooda ku soo daraan arrimaha kala guurka SSC KHATUMO & Puntland, qaabaynta awood qaybsiga maamul ee Puntland, xuduudaha, qulqulka tahriibka iyo la xisaabtanka xukuumadda.

Kal-fadhigaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah dhaqanka SSC ku dhawaaqay qabashada shirweyne ay isugu imaanayaan dadkii Puntland wada dhistay 1998 si laysula meeldhigo qaabka ay u ekaan doonaan Puntland iyo SSC KHATUMO, Juquraafi ahaan, siyaasad ahaan iyo waxqaybsiga beelaha guud ahaan.