Maxaa sababay dibu-dhaca finalka ciyaaraha caasimadaha Puntland.

24 May, 2026

Xiriirka kubadda cagta ee Puntland ayaa dib u dhigay ciyaartii kama dabaysta ahayd ee u dhexaysay…

Xiriirka kubadda cagta ee Puntland ayaa dib u dhigay ciyaartii kama dabaysta ahayd ee u dhexaysay xulalka Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho, kaas oo qayb ka ahayd tartanka magaalooyinka gobollada Puntland ee ka socdey garoonka Shuhadada ee Magaalada Boosaaso.

Arrinta ayaa loo sababeeyey in guddiga qabanqaabada tartanka ay go’aankaasi qaateen kadib duruufo la xiriira diyaar-garowga ciyaarta iyo arrimo farsamo oo soo baxay maalmahan dambe.

Labada magaalo ee Garoowe iyo Qardho ayaa si weyn ugu soo baxay tartanka kadib markii ay ka adkaadeen Boosaaso iyo Dhahar oo ay semifinal-ka isku soo arkeen, iyadoo xiisad ciyaareed iyo taageero xooggan laga dareemayay guud ahaan Puntland.

Warar hoose ayaa sheegaya in Qardho ay dalbatay maalin dheeraad ah oo ay hesho nasniino, halka guddiga tartanku weli sugayaan dhaqaale kaga maqan qaar kamid ah maalgeliyayaasha tartankaan xiisaha badan.

Tartanka magaalooyinka Puntland ayaa sanadihii dambe noqday mid si weyn loo xiiseeyo, isla markaana kor u qaaday isdhexgalka dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha.