Maxaa sababay in Madaxweyne hore Farmaajo uusan ku biirin Golaha Mustaqbalka Somalia.

Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi…

14 July, 2026

Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uga mid noqon waayay Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin inta badan mucaaradka Soomaaliya, Puntland iyo Jubaland.

Maxamed Cabdirisaaq, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya kana tirsan xisbiga Nabad iyo Nolol, ayaa sheegay in xubnihii xisbigooda uga qaybgalay shirkii arrimaha doorashooyinka ay la kulmeen diidmo kaga timid qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka oo aan oggolaan in Farmaajo uu ku biiro golaha.

“Golaha Mustaqbalka ayaa diiday in Farmaajo uu ka mid noqdo, weyna u jeedaan in go’aannadii ay qaateen ay wax tar yeesheen iyo in kale. Waa la aqoonsaday lamana inkiri karo madaxweyne hore Farmaajo,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq oo wareysi siiyay Telefishinka Universal.

Dhanka kalena, Xisbiga ayaa sheegay inuu taageersan yahay in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan, iyadoo diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo codbixintuba ay hal maalin ka wada dhacaan guud ahaan dalka.