Maxaa sababay isbedel la’aanta qiimaha maciishadda deegaamada Puntland.

Qiimaha maciishada daruurigga ee Puntland ayaan isbedel ku imaan sideedii bilood ee ugu danbaysay iyada oo…

10 August, 2025

Qiimaha maciishada daruurigga ee Puntland ayaan isbedel ku imaan sideedii bilood ee ugu danbaysay iyada oo weliba dagaalo caalamiya ay ka dhaceen barigga dhexe, qaar kamid ah shacabka ayaa xaqiijiyey in keliya felisyo ay mararka qaar koreen Sonkorta, Saliida iyo Baastadda.

Ganacsatada Puntland ayaa u sababeeyay arintaan in meesha ay ka baxday cashuuro tiro badan oo ay ka qaadi-jireen kooxaha Daaacsh iyo Alshabaab, taasn ayayna sheegeen inay ka qaaday culays saarnaa iyo qiimo koror joogta ah oo badeecadaha ku imaan-jirey.

Ganacstada Puntland ayaa lacag kasta oo la saaro cashuur dawladeed ama mid kooxo kale waxay si toos ah u saari-jireen badeecadda iyaggoo kasoo celin jiray dadka shacabka ah.

Xukuumada Puntland ee Madaxweyne Deni hoggaamiyo ayaa go’aankii ugu muhiimsanaa qaadatay sanadkii hore dhamaadkiisa 2024, markaas oo la bilaabay hawlgalka Cal-miskaad, waxaana guusha hawl-galkaas ciidan laga dareemay maciishada raashinka iyo xasiloonida suuqa Boosaaso.

Saaka qiimaha raashinka daruurigga ah ee suuqa Boosaaso ayaa lagu bilaabay.

1: Bariiska: Kiiska 23.5 dollar

2: Sonkorta: Kiiska 29.8 dollar

3: Burkana: Kiiska 20.5 dollar

4: Daasada Caanaha ah: 14.5 dollar

5: Kartoonka kaluunka: 28.5 dollar

6: Baastada: 8.5 dollar

7: Saliida caagada 4.5 dollar

Warbixint: Maxamuud Nadiif