Maxaabiis lagu qabtay Cal-miskaad iyo Maraykanka oo duqaymo la beegsaday.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa weli hawlgallo lagu ciribtirayo ka wada deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee…

19 February, 2026

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa weli hawlgallo lagu ciribtirayo ka wada deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, oo sanadkii hore lagu wiiqay awoodda kooxdaasi.

Qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac ayaa lagu xaqiijiyey in ciidanku saqdii dhexe ee xalay deegaanka Tasjiic ku qabteen nin ajnabi ah oo katirsan firxadka malayshiyaadka Daacish ee lagu go’doomiyey qaybo kamid ah Cal-miskaad.

Dhanka kalena, Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa sheegay in uu 16-kii bishan Febraayo uu duqeyn cirka ah ku qaaday kooxda goobo ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaad katirsan kooxda Daacish.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntaasi ka dhacday buuraha Cal-miskaad, gaar ahaan meel qiyaastii 70 km koonfur-bari ka xigta magaalada Boosaaso,inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin khasaaraha ka dhashay.