Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland siweyn loogu soo dhaweeyey siyaasi…

Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland siweyn loogu soo dhaweeyey siyaasi Maxamuud Mashruuc oo kamid ah mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.
Senator Mashruuc oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Puntland carqaladeeysay socdaalkooda Boosaaso, ayna tallaadaasi hareermarsan tahay dastuurka Puntland.
Waxa uu sheegay in xilligaan aysan Puntland haysan dastuur sax ah oo la yaqaan, islamarkaana aan la aqoon in uu yahay kii 2011 iyo midkii wax ka badelka lagu sameeyay ee 2023.




