Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo wakiilka Midowga Afrika ee Somalia.

4 August, 2025

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah…

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo booqasho ku yimid Jubaland.

Wafdiga, oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka AUSSOM, ayaa kulanka ay la qaateen Madaxweynaha waxaa diirada lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Intii uu kulanku socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada isku-tashiga ah ee Dowladda Jubaland ay ku xoreeynayso deegaanada kala duwan ee Jubaland iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee la xoreeyay, isaga oo xusay in Ciidamada Dowladda Jubaland ay ka muujiyeen waxqabad la taaban karo oo muhiim u ah nabadgalyada Soomaaliya.

Villa Somalia oo qaadacday dib u doorashadii madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa siweyn uga carootay safar uu Kismaayo horay ugu tegey wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia James Swan.