Maxay ka wada hadleen Hoggaamiye Firdhiye & Mahdi Guuleed oo kulmay.

5 May, 2025

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Ra’iisul Wasaare…

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ‘Khadar’.

Kulankan ayaa muddadii uu socdey hoggaamiyaha iyo xildhibaanku isaga xog waraysteen xaaladda deegaamada SSC KHATUMO, ka shaqaynta nabadgelyada gobolka iyo sidii dhabbe loogu jeexi lahaa siidaynta maxaabiista dagaalka.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa RW hore ee dalka waxa uu uga mahadcelieyy doorkiisa muhiimka ah ee uu ku leeyahay ilaalinta midnimada dalka iyo wadajirka Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliyeed.

Dhowaan ayaa lafilayaa inuu hoggaamiye Firdhiye magaalada Muqdisho kaga qaybgalo shirka madasha wadatashiga Qaran ee madaxda Soomaalida oo ay ka maqan yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland.