Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni & safiirka Turkiga ee Somalia.

26 February, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga ee…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan safaarada.

Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani’aadantinimada, sida lagu bayaan ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Puntland.

Turkiga oo kamid ah saaxiibada ugu waaweyn ee Somalia ayaa mashaariic badan ka wada magaalada Muqdisho iyo qaybo kamid ah Koonfurta Somalia.